Guddoomiyaha degmada Caluula ee gobolka Raas Caseyr, Dr. Axmed Maxamed Xasan (Xamari), ayaa si cad u…

Guddoomiyaha degmada Caluula ee gobolka Raas Caseyr, Dr. Axmed Maxamed Xasan (Xamari), ayaa si cad u beeniyay warar ay baahisay wakaaladda wararka ee AP, kuwaas oo sheegayay in markab ganacsi oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah la geeyay xeebaha degmada Caluula.
Wararka AP ayaa sheegayay in markabka lagu magacaabo MT ASANA, oo laga leeyahay dalka Tansaaniya isla markaana u rarnaa Soomaaliya, ay qabsadeen kooxo burcad-badeed ah xilli uu marayay meel u dhow xeebaha Yemen. Warkaasi wuxuu intaas ku daray in markabka loo soo raray xeebaha magaalada Caluula, halkaas oo lagu doonayo lacag madax-furasho oo gaareysa malaayiin doollar.
Hase yeeshee, Guddoomiye Xamari ayaa sheegay in warkaasi uusan waxba ka jirin, isla markaana aanu jirin markab ama gaadiid badeed oo afduub ah oo lagu hayo xeebaha degmada Caluula. Wuxuu ku tilmaamay wararkaasi kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in cid kasta oo doonaysa xaqiijinta arrintan ay si toos ah u imaan karto degmada Caluula si ay indhahooda ugu soo arkaan xaaladda dhabta ah, isagoo xusay in aysan jirin wax markab ah oo lagu haysto xeebaha degmada, isla markaana wararka la faafiyey ay yihiin been-abuur.




