Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horraysay faahfaahin dheeraad ah ka bixisay qorshihii ay maamulka Somaliland iskudhaafsadeen…

Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horraysay faahfaahin dheeraad ah ka bixisay qorshihii ay maamulka Somaliland iskudhaafsadeen 26 kamid ah maxaabiistii 2023 lagu qabtay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa tilmaamay in qorshaha isdhaafsiga maxaabiistu uusan ka dhignayn heshiis ay gaareen labada dhinac haseyeeshee qorshuhu yahay in boogo la dhayo maadaama ay yihiin laba maamul oo Soomaaliyeed.
“Anaga iyo Somaliland hadda waxaa na dhexmaray oo kaliya inaan maxaabiis 26 ah lakala wareegney, laakiin Somaliland iyo Puntland oo kamid ah Soomaalida in wax laysla raadiyo ama xurgufo la dhayo ay tahay meesha loo wada socdo”, Ayuu yiri Juxaa.
Dhanka kalena, wasiir Juxaa oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri,”Puntland iyo Somaliland laba deegaan oo tabasho taariikheed wadaagey weeye, labaduba waxay ahaayeen kuwa gacantii dowladnimada Soomaaliyeed wax lagu yeelay labaduna maamulay dhisteen ilaa xilligaasna khilaafyadaani waa jireen”



