Puntland oo beenisay inay macdanta Bari iyo Sanaag iibgeynayso.

9 June, 2025

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud oo ka hadlayey dhawaqii Madaxweynaha Puntland oo ahaa iibgeynta khayraadka…

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud oo ka hadlayey dhawaqii Madaxweynaha Puntland oo ahaa iibgeynta khayraadka dabiiciga ah ee Puntland ayaa sheegay in fasiraad qaldan laga bixiyey arrintaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalkaasi si khaldan loo turjumay aysanna jirin macdan iyo khayraad dowladdu dalka dibaddiisa u iibgeynayso ama kula heshiisey shirkado gaar loo lee yahay, laakiin ujeedkiisu ahaa dhiirigelinta maalgashiga dalka.

“Iib-geyntii Madaxweynuhu sheegay waxa loo qaatay in Waddanka la xaraashayo, laakiin fahamku sidaasi ma ahayn, waxaan rabnaa in aan iib-geyno nabadda ka jirta waddankeena, waxaan rabnaa in aan iib-geyno in aan lee nahay ammaano, si dalkeena loo maalgashado”, Ayuu yiri wasiirka maaliyadda Puntland.

Wasiirka ayaa markale sheegay, “Waxaa la rabaa sidoo kale in aan iib-geyno dad lala dhaqmi karo in aan nahay, waxaa la rabaa in iib-geyno dalkeenna baraf in uusan ka di’in oo qorrax helno sannadkii oo dhan, waxaan rabnaa in aan iib-geyno waddankeenu in ku wacan yahay beerasho iyo maalgashi”.