Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawlada Puntland ayaa si cad u beenisay warar lagu baahiyey baraha…

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawlada Puntland ayaa si cad u beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegaya in dowladdu ay shirkadda DP World kula heshiisay macdan laga qodo Cal-madaw.
“Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawlada Puntland, waxay caddaynaysaa in aanay waxba ka jirin warqadda wareegeysa baraha bulshada ee lagu sheegay in Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ay la wado tartan qandaraas macdaneed shirkada DP World ee maamusha dekadda Bosaaso” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaraddda Tamarta iyo Macdanta Puntland.
Ugu dambayn wasaaradda ayaa uga digtey bulshada reer Puntland in lagu marin habaabiyo wararka been abuurka ah, si looga jiheeyo dagaalka argagixisada iyo waxqabadka xukuumadda.
“Waxaa kale oo Wasaaraddu cadeyneysaa in khaladaad qoraaleed ay ku jiraan warqada, oo ay ka mid yihiin, Magaca, Wasaaradda, Emailka, iyo dhamaan Taleefanada iyo ciwaanadda ku xusan warqada ee a yihiin been abuur, waxna aysan ka jirin” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka lagu beeniyay warka ku saabsan qandaraaska Macdan qodista.




