Puntland ayaa si cad u beenisay war uu dhawaan baahiyey maamulka gobolka Mudug, oo la xiriirey…

Puntland ayaa si cad u beenisay war uu dhawaan baahiyey maamulka gobolka Mudug, oo la xiriirey in 7 ruux biyo la’aan ugu dhinteen tuulooyin hoostaga degmada Jirriiban ee gobolka Mudug.
Maareeyaha wakaaladda biyaha Puntland Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in aysan jirin cid biyo la’aan ugu dhimatay deegaanno ka tirsan degmada Jariiban.
Dhanka kalena, Maareeyaha ayaa been abuur aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay warka ka soo yeedhay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifi-jabsade.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade oo Maalinnimadii Arbacadii shir uu ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ka sheegay in 7 qof oo carruur u badan ay biyo la’aan ugu dhintay deegaanno ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug.



