Puntland oo beenisey inay macdan ka qodayso Cal-madaw iyo Cal-miskaad.

29 May, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga hadashay wararka sheegaya in dowladdu ay macdan qodis ka bilowday…

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga hadashay wararka sheegaya in dowladdu ay macdan qodis ka bilowday qaybo kamid ah buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad ee gobolada Bari & Sanaag.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay BBC qaybteeda afka Soomaaliga ayaa beeniyey jiritaanka macdan qodis iyo sahmin ay dowladdu samaysay, wuxuuna sheegay in dadka arrintaasi buunbuuninaya ay ka xun yihiin guulaha laga gaarey kooxaha argagixisada.

“Ma jirto macdan ay Puntland qodato ama baaritaan ku samaysay, dadka arintaas nagu eedeeyay waa kuwo dawlad nimadda iyo guusha Puntland ee Argagixisada diidan”, Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid.