Puntland oo bilowday diyaar garawga hawlgalka Onkod ee buuraleeyda Cal-madaw.

7 August, 2025

Saraakiil uu hoggaaminayo taliye ku-xigeenka ciidanka difaaca Puntland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig), ayaa booqday…

Saraakiil uu hoggaaminayo taliye ku-xigeenka ciidanka difaaca Puntland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig), ayaa booqday cutubyo ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugan jiidda hore ee buuraha Cal-madow ee gobolada Bari & Sanaag.

Waftigaan ayaa booqday dhammaan saldhigyada ciidanka difaaca dowladda Puntland ee Cal-madaw, halkaasi oo uu dhawaan ka bilaabanayo Hawlgalkii la baxay Onkod ee ciribtirka argagixisada Al-shabaab, sida uu shaaciyay Taliska Ciidanka difaaca dowladda Puntland.

“Mas’uuliyiintan oo Kulamo la yeeshay Saraakiisah iyo Ciidanka ayaana ku dhiirri-geliyay kuna amaaanay sida wanaagsan ay u gudanayaan Waajibaadkooda una difaacayaan dalkooda iyagoona ku booriyay in ay Diyaar garoobaan Howgalka Onkod ee Buuraha Calmadow looga sifaynaayo Argagixisada ku dhuumalaysanaysa kaas oo dhowaan la Bilaabayo Howgalkiisa” ayuu yiri Taliska ciidanka Puntland oo ka warbixiyay kormeerkaasi.

Maalinimadii shalay ayey ahayd markii Abbaan-duulaha guud ee ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) iyo saraakiil kale ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen deegaamo katirsan gobolka Sanaag.