Puntland oo bilowday hawlaha dhismaha laamiga Galkacyo ilaa Bacaad-weyn.

13 July, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaadday in la soo afmeeray sahankii ugu dambeeyey iyo astayntii hawlaha…

Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaadday in la soo afmeeray sahankii ugu dambeeyey iyo astayntii hawlaha shaqo ee laamiga isku xira degmada Galkacyo iyo deegaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA ayaa lagu sheegay in wadadaan oo dhererkeedu dhan yahay 40KM laguna dhisayo cashuurta shacabka shaqadeedu bilaaban doonto asbuuca dambe.

Shirkadaha Kebarco iyo Albashid oo qaatay qandaraaska dhismaha laamigaan ayaa mid walba la siiyey 20KM, si loo dedejiyo shaqada jidkaan oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha guud ahaan dalka.

Dhismaha laamigaan ayaa haddii uu hirgalo meesha ka saari doona mashruucii caalamku ugu talagalay laamiga Xarfo ilaa Galkacyo oo ay fulintiisa isku khilaafeen Puntland iyo DFS.