Xukuumadda Puntland ayaa Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ka daahfurtay mashruuc lagu caawinayo 1730 qoys…

Xukuumadda Puntland ayaa Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ka daahfurtay mashruuc lagu caawinayo 1730 qoys oo ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Wasaaradda Gargaarka Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay,adda Islamic Relief ayaa Raashin uqaybisay dadkii Xaaladda Abaaruhu ku Saameeyeen deegaamada Gobolada Sanaag Iyo Haylaan waxayna qaybinta raashinku soconaysaa maalmaha soo socda inta laga dhamaystiraayo Wajiga Kowaad ee qaybinta Raashinka.
Mashruucaas oo ay ka faa,iidaysanayaan dadka Abaaruhu saameeyeen ee ku nool Magaalooyinka Badhan, Dhahar, Buraan, Xingalool,Ceelbuh, Fiqifuliye, Ardaa, Baraagaha-Qol, Kala-dhac,Higlo,Hadaaf-timo, Yube, Carmale,Damale Xagare Shimbiraale,Dawacalay ayaa Dowlada Puntland usoo qoondaysay.
Wasaaradda Gargaarka Dowladda Puntland ayaa ku guda jirta siday uga jawaabi lahayd ayna ugu qareemi lahayd Bulshada Abaaruhu saameeyeen oo ku nool dhamaan deegaamada Puntland.




