Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday inay qoondo biyo dhaamin ah u dirtay deegaamo katirsan gobolka Sool…

Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday inay qoondo biyo dhaamin ah u dirtay deegaamo katirsan gobolka Sool gaar ahaan Magaalooyinka Laascanood iyo Boocame oo uu ka arrimiyo Maamulka Waqooyi Bari Somalia.
Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland oo wakiil ka ah guddiga gurmadka abaaraha ayaa shaaciyey in biya-dhaaminta laga daahfuray degmooyinka Boocame iyo Laascaanood ayna gaarsiin doonaan deegaamo kale.
Xildhibaan Qaalib Baaruud oo katirsan barlamaanka Puntland ayaa sheegay inay deegaamada miyiga ah ee Laascaanood ku wareejiyeen 100 booqadood oo biyo-dhaan ah ayna arrintaasi ka madax-banaan tahay arrimaha siyaasadda.
Dhankiisa xildhibaan Mukhtaar Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dedaalada gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen ay sii wadi doonaan, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isgacan siiyaan.



