Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland, Saraakiil ciidan iyo xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa Magaalada Badhan ee…

Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland, Saraakiil ciidan iyo xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag kaga qaybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayey in ka badan 1582 askari.
Ciidamadaan oo tababar carbixin ah muddo 6 bilood ah ku qaadanayey Kulliyadda Gen. Giriin ee Magaalada Badhan ayaa waxaa khudbad ka jeediyey taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi iyo mas’uuliyiin kale.
Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamadaan loo dhammaystiray dhammaan qalabkii ay u baahnaayeen iyo tababaro kor loogu qaadayey xirfaddooda ayna si rasmi ah ugu biiri doonaan shaqooyinka difaaca dadka iyo deegaamada Puntland.








