Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowladda Puntland, ayaa bulshada ugu baaqday inay si weyn uga feejignaadaan…

Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowladda Puntland, ayaa bulshada ugu baaqday inay si weyn uga feejignaadaan khataraha ka dhalan kara roobabka, gaar ahaan dadka ku nool miyiga iyo magaalooyinka ku dhow meelaha ay biyuhu maraan.
Agaasimaha ayaa sheegay in Wasaaradda Axmed Naxar aya shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha halista ah, gaar ahaan togagga iyo meelaha ay biyuhu ku soo qulquli karaan, isagoo xusay in dhayalsiga khatarta roobabka uu sababi karo dhibaatooyin soo gaara dadka iyo duunyada, maadaama biyaha togagga kusoo fataha ay awood u leeyihiin inay qaadaan dad iyo xoolo.
Dhanka kalena, Wasaaradda xustay muhiimadda ay leedahay in dadka ku sugan meelaha khatarta ah ay qaataan digniinaha la siinayo, kana fogaadaan togagga xilliyada roobabka, iyadoo si adag uga digtey saameynta roobabka iyo fatahaaduhu ku yeelan karaan kaabayaasha dhaqaalaha, haddii aan si wanaagsan looga sii feejignaan.
Agaasimaha ayaa tusaale u soo qaatay khasaare horay uga dhashay roobab ka da’ay Qardho, Sunijiif iyo Xaaji Khayr, kuwaas oo uu sheegay inay muujinayaan khasaaraha ay keeni karaan fatahaadaha iyo biyaha xooggan.




