Puntland oo buuxisay boosaskii ay baneeyeen Saraakiil u goostay Muqdisho.

22 December, 2025

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf iyo Gaashaanle Sare Axmed Cumar Cabdi…

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf iyo Gaashaanle Sare Axmed Cumar Cabdi oo ah Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) ee Puntland ayaa maanta ka qayb galay munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug.

Munaasabadda ayaa lagu kala wareejinayay xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Dembi-baarista (CID) ee Gobolka Mudug kuwaas oo loo kala magacaabay Laba Xidigle Ayuub Cabdikarin Faarax iyo Xidigle Axmed Xasan Axmed. Xil wareejinta ayaa ku dhacday jawi nidaamsan oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil sare iyo xubno ka tirsan ciidanka booliska.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay labada taliye, isaga oo ku bogaadiyay masuuliyadda loo igmaday, kuna adkeeyay in ay bulshada ugu adeegaan si hufan, caddaalad ah, isla markaana ay xoojiyaan amniga iyo la dagaallanka dambiyada.

Dhanka kale, Taliyihii hore ee CID Cabdiweli Maxamed Faarax ayaa la sheegay in uu toddobaadyo ka hor u goostay magaalada Muqdisho halkaas oo uu ugu biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga iyo saraakiil kale oo qaarkood horey uga tirsanaa talisyada saldhigyada magaalada.

Wararku waxay sidoo kale tilmaamayaan in goosashada saraakiisha ciidanka ay sii xoogeysaneysay bilihii u dambeeyay, iyadoo bil ka hor uu xilka ka degay Taliyihii CID ee Gobolka Bari, arrintaas oo muujinaysa isbeddello iyo dhaqdhaqaaqyo ka socda hoggaanka amniga ee Puntland.