Puntland oo caalamka ka dalbatay in mashaariicda si toos ah loogu soo mariyo Hay’adeheeda.

27 October, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay inay ka go’an tahay sidii ay Qaramada Midoobey iyo dhammaan hay’adaha deeqaha…

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay inay ka go’an tahay sidii ay Qaramada Midoobey iyo dhammaan hay’adaha deeqaha ku taageera Somalia ugu qancin lahayd inay si toos ah ula macaamilaan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo ka hadlayey shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee Puntland ayaa sheegay in Puntland ay leedahay Hay’ado qaangaadh ah, lala xisaabtami karo lana tijaabiyey waxqabadkooda iyo awooddooda fulineed, ayna taasi qayb ka qaadanayso in adduunku si toos ah ula macaamilo.

Maxamuud Caydiid, ayaa sheegay in Puntland ay kaalinta 1aad kaga jirto qiimaynta deeqihii horay loogu tijaabiyey Somalia, ayna taasi qayb ka qaadan doonto in lagu aamino mashaariic hor leh.

“Beesha Caalamka waa inaan ku qancino wixii ay bixinayaan ee Deeqo ah inay soo mariyaan Hay’addaha Dawladda Puntland, waayo waxaan tusaale ugu nahay caalamka mashaariicdii la siiyey Somalia iyo sidii ay Puntland u fulisay qaybteedii”, Ayuu yiri Wasiir Dirir.