Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in howlgallo amni oo laga fuliyey magaalada…

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in howlgallo amni oo laga fuliyey magaalada Galkacyo lagu soo qabtay qabtay gaari noociisu yahay Noah, sumaddiisuna tahay WQ 713, kaas oo siday 250 xabbo oo tuutaha ciidamada (Dress-ka Ciidanka), iyo darawalkii waday gaariga.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska qaybta gaariga ayaa ka yimid dhinaca Galmudug, waxaana taliska hore u hayay xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqiisa, iyagoo sheegay in howlgalka lagu guuleystay qabashada gaariga iyo alaabtii uu siday, isla markaana ay socdaan baaritaanno lagu baadi-goobayo cid kasta oo ku lug lahayd soo gudbinta tuutahan oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah.
Dhanka kale, laamaha ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu watay gaari isagoo cabsan khamri. Ninkaasi ayaa lagu eedeeyay inuu qof shacab ah ku jiiray xaafadda Israac ee degmada Galkacyo, kadibna isku dayay inuu goobta ka baxsado, hase yeeshee ciidanka ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille Farda-fuul, ayaa ugu baaqay shacabka Galkacyo inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana ilaashadaan nabadgelyada, qaranimada iyo sharaftooda. Wuxuu sidoo kale digniin u diray dadka ku lugta leh falalka amni-darrada, isagoo sheegay inay la kulmi doonaan tallaabooyin adag haddii aysan ka waantoobin.




