Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horraysay ka hadlay rabitaanka reer Puntland ee…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horraysay ka hadlay rabitaanka reer Puntland ee ku aaddan dowladnimada dalka, halista diblumaasiyadeed ee dalku wajahayo iyo haddii Puntland mari doonto wadadii Somaliland.
Madaxweyne Deni ayaa caddeeyey in Puntland aysan kasii jeensan Soomaaliya inteeda kale, haseyeeshee ay waysay dowlad ay kula shaqayso mabaadii qaran, dastuurka kumeel gaarka ah iyo xeerarka kale ee dalka, isagoo madaxda DFS ku eedeeyey kala qaybin iyo iskudir bulsho.
“Somalia xaalad adag ayey maraysaa dowladnimadeedii ayaa laga quusan rabaa, kala jarka dalka dowladda federalka ah ayaa saldhig u ah in laga baxaa la rabaa Puntland waxaa tiir u ah inay ilaashato deegaankeeda Soomaaliyana raadiso welina middaas ayaa tiir noo ah, waxaan ka dardaarmayaa dadka dhalinyarada ah inaysan xad-gudub hadhaw waxyeeleeya hadda siigelin”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa intaasi ku daray,”Waxa hadda socda dalka iyo Puntland midna uma roona meel loo raacana lama garanayo, Puntland waxay tiri dastuurka hadda ku ciyaartay anagu waa ka baxnay nidaamkaas waana ku sugaynaa, dowladda hadda joogta waa ku ciyaartay wixii lagu heshiiyey, maamulka hadda jooga waa maamul kala qaybin, isku dir iyo mashaakil ka shaqaynaysa.”



