Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifi-jabsade ayaa cambaareeyey qoraalkii hay’adda kaarka aqoonsiga qaranka…

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifi-jabsade ayaa cambaareeyey qoraalkii hay’adda kaarka aqoonsiga qaranka Somalia ee NIRA ay degmooyinka Gal-dogob iyo Jirriiban ugu dartay maamulka Galmudug.
“Go’aankii NIRA ee DFS ay ku tiri degmooyinka Jirriiban iyo Galdogob waxay katirsan yihiin Galmudug waan cambaaraynaynaa, arrinkaasna waxaa la rabaa dowladda Federalka ah inay ka waantawdu, waa arrin si kutalagal ah u soo laalaabatay”, Ayuu yiri guddoomiye Jifi-jabsade.
Dhanka kalena, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in labada maamul mid walba la aqoonsan yahay dhulka uu deggan yahay isla markaana ka wada shaqaynayaan nabadda gobolka, haseyeeshee ay DFS doonayso ku laabashada colaadihii la soo maray.
“Deegaanka maamul walba intuu ka deggan yahay waa la yaqaanaa anaguna waa isku qanacsanahay labadayada maamulba laakiin DFS waxay doonaysaa inay dab nagu sii shiddo, waana inay ka waantawdo beenta ay dhoodhoobtay ee ay ku doonayso inay isugu dhufato dadka deggan gobolka Mudug, mudadii Madaxweyne Xasan Sheekh kursiga ka maqnaa dagaaladii waa ka nasanay”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.