Xukuumadda Puntland ayaa si adag u cambaaraysay tallaabadii ay DFS ku joojisay duulimaad ay saarnaayeen xildhibaano…

Xukuumadda Puntland ayaa si adag u cambaaraysay tallaabadii ay DFS ku joojisay duulimaad ay saarnaayeen xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Somalia oo ku wajahnaa deegaamada Puntland.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in falka ay DFS kula kacday xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Puntland lagu horjoogsanayo dareenka reer Puntland laguna doonayo khasab lagu geliyo waxka-beddelka dastuurka dalka.
Dowladda Puntland waxay cambaareynaysaa falka mas’uuliyad darrada ah ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu naftiisa khatar ku geliyey Xubno ka tirsan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah kumetala Dowladda Puntland, kadib markii 1da Maarso 2026 hawada laga afduubtay diyaaraddii siday mas’uuliyiinta iyo rakaab kale iyaga oo ka soo degaya Garoonka diyaaradaha Garoowe, dibna loogu celiyey Magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale luggooyo loo geystay muwaadiniin tiro badan oo u socday inay u safraan si ay u soo gutaan Cumrada bisha barakaysan.
Waa fal sharci darro ah, kaligi-talisnimo ah, meel ka dhac ku ah magaca iyo sharafta Soomaaliya. Waxaa lagu xad gudbey sharaftii iyo xasaanaddii Golaha Baarlamaanka Federaalka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo waqtigiisa ay ka hartay maalmo tirsan, wuxuu si naf la caariinimo ah ugu rafanayaa dowladnimada nugulka ah ee Dalka. Dowladda Puntland iyada oo u maraysa shuruucda Caalamiga ah, Qawaaniinta iyo Dastuurka Puntland iyo Dastuurka ku meel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya (2012) waxay Madaxweyne Xasan Sheikh kala xisaabtami doontaa falalka isku daya dilka ah ee markii labaad bil gudihiis lagula kacay mas’uuliyiin, shacab iyo saraakiil Reer Puntland ah.
Ugu dambeyntii, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka in ay si dhakhso ah u soo farageliyaan xaaladda fool xumada siyaasadeed ah ee ay wadaan Madaxda DFS. Sidoo kale, waxaan ku wargelinaynaa Hay’adda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada (ICAO) in amniga diyaaradaha iyo badqabka rakaabka ee hawada Soomaaliya ay khatar ku jiraan, iyada oo Madaxda DFS ay si toos ah uga dhigteen hawada hub ay kula dagaalamaan dadka ka aragtida duwan, ayna ku dhibaateeyaan isku socodka duulimaadyada rayidka ah.




