Puntland oo cashuur dhaaf u samaysay calafka xoolaha.

5 February, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas…

Puntland State House

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada oo todobaadkan looga soo saaray go’aamo muhiim ah oo la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan biyaha iyo kaabayaasha la xiriira.

Kadib markii Goluhu warbixin ka dhegaystay xaaladda biyaha iyo abaaraha ka jira deegaannada Puntland, taas oo ay soo bandhigtay Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Puntland, Goluhu wuxuu go’aamiyey qodobbadan:

  • In goluhu go’aamiyey in 3-da bilood ee soo socda laga shaqeeyo xal u helidda abaaraha ka jira Calafka, Xoolaha iyo Galleeyda Puntland, iyada oo si gaar ah loo dardargelinayo dadaallada gurmadka iyo keenista adeegyo biyo nadiif ah.
  • In la sameeyo ceelal biyo oo laga hirgeliyo deegaannada ay abaartu saameysay, iyadoo Dowladda Puntland ay kaalin ka qaadan doonto maalgelinta iyo fulinta ceelashaasi, lana hubin doono tayada iyo joogtaynta biyaha.
  • In la joojiyo samaynta kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla bananka magaalooyinka, isla markaana la dejiyo qorshe lagu burburinayo kuwa hadda jira si dadka loogu celiyo deegaannadoodii asalka ahaa, iyadoo gargaar joogto ah la siinayo.
  • Ugu dambayn, Goluhu wuxuu ugu baaqay jaaliyadaha dibadda, ganacsatada iyo shacabka guud ahaan inay ka qeyb qaataan dadaallada gurmadka abaaraha si loo yareeyo dhibaatada haysata dadka ay abaartu saameysay.