Xukuumadda Puntland ayaa bilowday mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo degmada Balli-dhidin ee gobolka Bari iyo deegaamadii…

Xukuumadda Puntland ayaa bilowday mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo degmada Balli-dhidin ee gobolka Bari iyo deegaamadii dhawaan laga kiciyey nabaddiidka Daacish ee Cal-miskaad.
Guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka Puntland, guddoomiyaha gobolka Bari iyo duqa degmada Balli-dhidin ayaa ka qaybgalay dhagax dhigga ceelbiyood muhiim u ah nolosha dadka iyo duunyada oo laga hirgelinayo degmada Balli-dhidin.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali yare (Shaahdoon), oo madasha ka hadlay ayaa muujiyey ahmiyadda ceelkaani u lee yahay bulshada, isagoo amray in laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka gobolka.
“Waxaan maanta dhagax dhigaynaa ceelkii degmada Balli-dhidin, muddadii hawlgalka Hillaac socdey 2 ceel ayaa biyo laga waayey horayna ilaa 7 kale, waxaan rajaynaynaa in ceelkaani noqon doono mid lagu hodmo”, Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali yare (Shaahdoon).




