Puntland oo ciidamo cusub ku diyaarinaysa buuraleeyda Cal-miskaad.

Taliska Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa xoojiyey ururada Daraawiishta ee ka hawlgeli doona goobihii lagu jebiyey…

30 December, 2025

Taliska Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa xoojiyey ururada Daraawiishta ee ka hawlgeli doona goobihii lagu jebiyey kooxda Daacish ee buuraleeyda Cal-miskaad.

Deegaanka Dhaadaar ee togga Jacayl ayaa maanta lagu soo bandhigay ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland oo maanta la marsiin doono hanaanka mushahar bixinta Danabaysan ee Ciidamada.

Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa u xaqiijiyey Horseed Media, in ciidamadani oo dhawaan la qarameeyey ay ka hawl-geli doonaan buuraleeyda Cal-miskaad si aysan mardambe gabbaad ugu noqon nabaddiidka Daacish.

Dhawaan ayey ahayd markii dowladda Puntland ay ururo katirsan ciidankeeda difaaca ee Daacish ku jebiyey Cal-miskaad u daabushay deegaanka Cawsane ee gobolka Sanaag si ay qayb uga noqdaan hawlgalka Onkod ee Cal-madaw.