Puntland oo ciidamo cusub u diraysa buuraleeyda Cal-msiakad.

8 December, 2025

Puntland ayaa bilowday inay ciidamo cusub ku daabusho deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari oo…

Puntland ayaa bilowday inay ciidamo cusub ku daabusho deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari oo uu ka socdo hawlgal lagu baacsanayo firxadka malayshiyaad katirsan kooxda Daacish.

Boqolaal ciidamo cusub ayaa lageeyey togga Baallade iyo deegaamo kale si ay u soo beddelaan ciidamadii ku jirey hawlgalka muddada sanadka ah, waxaana qorshuhu yahay inay maalmaha soo socda gaaraan cutubyo katirsan ciidamadii tababarka loogu soo xiray Magaalada Badhan.

Hawlgalka Hillaac ee ka socda Cal-miskaad oo qorshihiisu ahaa in la soo afmeero bisha 12aad ee 2025, ayaa hadda galay wajigii ugu dambeeyey oo ah in la baacsado firxadka kooxdaasi oo aan hadda lahayn saldhig iyo goobo ay awood ku leeyihiin.

Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa HM u xaqiijiyey in hawlgalku uusan joogsan doonin ilaa ay dilaan ama soo qabtaan xubinta ugu dambaysa ee argagixisada kooxda Daacish.