Dowladda Puntland ayaa qorshaynaysa inay boqolaal katirsan ciidankeeda booliska u daabusho Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka…

Dowladda Puntland ayaa qorshaynaysa inay boqolaal katirsan ciidankeeda booliska u daabusho Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo ay muddooyinkii dambe shacabku ka cabanayeen falal ammaan xumo.
Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in 22-ka bishan ay magaalada Gaalkacyo urari doonaan dhammaan ciidanka dhalinyarada ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska, kuwaas oo hadda ka howlgala magaalada Garowe.
Ciidankaan oo muddooyinkii dambe ka shaqaynayey Magaalada Garoowe ayaa ujeedkoodu yahay wax ka qabtaan xaaladda amni ee magaaladaas, xilli ay malayshiyaad hubaysani haystaan xarunta dowladda hoose ee Galkacyo.



