Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland iyo qaar kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa ku hawlan xakamaynta dagaal beeleed…

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland iyo qaar kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa ku hawlan xakamaynta dagaal beeleed maalin kahor ka dhacay deegaamo katirsan Bariga gobolka Sanaag.
Wasiiru dowlaha difaaca iyo amniga Puntland Gen. Fu’aad Xanaano oo wata ciidamo xooggan ayaa gaarey deegaamada Carmale iyo Daarasalaam ee bariga gobolka Sanaag si uu ukala dhexgalo malayshiyaadkii dirirtu dhexmartay.
Mas’uuliyiinta oo la hadlay labada dhinac ayaa ugu yeeray in la joojiyo colaadda loona hoggaansamo awaamiirta dowladda iyo dedaalada lagu jeexayo dhabbaha nabadda ee xiisadda ka soo cusboonaatay deegaamadaasi.
Dagaalkii ka dhacay Deegaamada Carmale iyo Daarasalaam ee gobolka Sanaag ayaa sababay dhimashada 20 ruux iyo dhaawaca tiro ka badan intaasi, iyadoo ay socdaan dedaalo lagu looga hortegayo dagaalo soo laalaabta.




