Puntland oo ciidamo gaar ah ku wareejinaysa ammaanka gobolka Mudug.

18 October, 2025

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa si adag uga hadlay aanooyinka qabaa’ilka ee naafeeyey nabaddii Magaalada…

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa si adag uga hadlay aanooyinka qabaa’ilka ee naafeeyey nabaddii Magaalada Galkacyo, kadib markii dowladdu soo afmeertay shabakadihii Alshabaab ee dadka ku layn jirey Magaaladaasi.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali Jifi-jabsade, ayaa sheegay in dowladda Galkacyo u diyaarisay ciidamo gaar ah oo lagu wareejin doonto ammaanka aysanna jiri doonin cabtooy, jirri iyo gacan ku dhiiglayaal gobolka ku dhuunta.

“Saddex sano kahor magaaladaan waxaa laga cabsan jirey shabaab madaxa duubta masaajidadana laguma tukan jirin, maantana majirto gabar xitaa ka cabsanaysa in mobilka laga furto, hal caqabad ayaa jirta oo ah dilalka aanada qabaa’ilka, dowladdu qorshe ayey ka dejisey ciidamo ayaa u soo socda”, Ayuu yiri guddoomiye Jifi-jabsade.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku sii daray,”Ciidamadaasi markay soo baxaan ayaan dadka isbaranaynaa, waxaa jiri doonta xilli uusan qof qori qaata jirin, xilli uusan qof kor u hadli karaa jirin, majiri doono wiil jirri ah oo marka la dilo tallaagad la gashto, nabadoonada qaar waa saxiixeen kuwa diiddanna waxaan u sheegaynaa xitaa haddii aad diiddaan waa lalaynayaa.”