Puntland oo ciidamo kala dhex-dhigtay beelo ku dagaalamay gobolka Mudug.

21 January, 2026

Xaaladda deegaanka Roox ee gobolka Mudug ayaa maanta deggan kadib markii uu dagaal sababay khasaare isugu…

Xaaladda deegaanka Roox ee gobolka Mudug ayaa maanta deggan kadib markii uu dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku dhexmaray laba malayshiya beeleed.

Cutubyo katirsan ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Gen. Fua’aad Xannaano oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa gaarey goobta iyagoo kala dhexgalay dhinacyadii dirirtu dhexmartay.

Mas’uuliyiin dowladda katirsan iyo qaar kamid ah waxgaradka gobolka ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin sidii xaaladda deegaanka caadi loogu soo celin lahaa isla markaana loo kala qaadi lahaa malayshiyaadkii ku dagaalamay.

Gobolka Mudug ayey sanadihii la soo dhaafay aad ugu soo noqnoqdeen colaadaha u dhexeeya beelaha oodwadaagta ah iyadoo ay marar badan burbureen heshiisyo ay garwadeen ka ahaayeen Galmudug, Puntland iyo waxgarad Soomaaliyeed.