Deegaanka Tuurmasaale ee buuraleeyda Cal-miskaad waxaa maanta laga daahfuray xarun caafimaad oo adeegyo caafimaad oo kumeel…

Deegaanka Tuurmasaale ee buuraleeyda Cal-miskaad waxaa maanta laga daahfuray xarun caafimaad oo adeegyo caafimaad oo kumeel gaar ah siin doonta ciidamada ku dhaawacma dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
Xaruntaan caafimaad ee laga hirgeliyey deegaanka Tuurmasaale ayaa loo dhammaystiray adeegyada caafimaadka deg degga ah, waxaana loogu talagalay in laga helo dhiig, dawooyin iyo kaalmo caafimaad kahor inta aan dhaawacyada loo gudbin Balli-dhidin iyo Boosaaso.
”Maanta wixii ka dambeeya dhici mayso in askari ku dhaawacmay furinta inta Ballidhidin loo wado uu jidka dhiig la’aan ugu dhinto”, Sidaasi waxaa yiri Generaal Qalyare oo ka hadlay hirgelinta isbtaalka Tuurmasaale.
Afhayeenka hawlgalka la dagaalanka kooxaha nabaddiidka ah ee ka socda Cal-miskaad ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay sida ugu dhaqsaha badan u soo afmeeri doonaan hawlgalka lana gaari doono goobaha ay hadda ku sugan yihiin Daacish.