Qaar kamid ah culimaa’udiinka deegaamada Puntland ayaa si adag uga hadlay go’aankii ay DFS hawada uga…

Qaar kamid ah culimaa’udiinka deegaamada Puntland ayaa si adag uga hadlay go’aankii ay DFS hawada uga celisey diyaaradda Daalo oo sidey duulimaad ay kujiraan xildhibaano ka soo jeeda Puntland kuna wajahnaa Magaalada Garoowe.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo kamid ah culimada Puntland ayaa jariimo ku tilmaamay tallaabadaasi, wuxuuna ugu yeeray DFS inay ka xisaabtanto arrintaasi oo uu sheegay in halis lagu geliyey in ka badan 200 rakaab xujay u badnaa ah.
“NNKH waa habaaray qofka Madaxda ah ee dadkiisa dhiba, dadkii 200 ka badnaa ee lagu taciyey wixii lagu sameeyey dambi weyn ayuu ahaa waa taariikh xun oo qormaysa”, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo dulmiweyn ku sheegay diyaaraddii duulimaadkii ay DFS xanibtay ee Garoowe ku wajahnaa.
Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale, si adag uga hadlay saamaynta dhaqaale ee ay Soomaaliya ku yeelan doonaan dagaalada ka socda Bariga dhexe gaar ahaan duqaymaha ku socda dalalka Khaliijka oo badeecooyinku uga yimaadaan Soomaaliya.
”Soomaaliya khatar bay ku jirtaa hadii dagaalka Bariga dhaxe sii socdo ee maxaa inoo Xal ah, dalkeenu wuxuu ku tiirsan yahay soo dhoofsiga badeecooyinka”, Ayuu yiri Sheekh Maxamuud.



