Puntland oo Daahfurtay Ololaha Daaweynta Xoolaha

2 November, 2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Cismaan Lugatoor, ayaa daah-furay ololaha daaweynta iyo tallaalka xoolaha Puntland oo…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Cismaan Lugatoor, ayaa daah-furay ololaha daaweynta iyo tallaalka xoolaha Puntland oo ay fulinayso Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. Ujeeddada ololahan ayaa ah in la xoojiyo caafimaadka xoolaha iyo in la taageero xoola dhaqatada ku tiirsan dhaqaalaha xoolaha.

Ololahan ayaa la qorsheeyay in lagu tallaalo in ka badan 300,000 oo neef, halka 3,600 oo qoys ay ka heli doonaan faa’iido toos ah. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa sheegtay in hawshaasi ay socon doonto muddo bil ah, iyadoo la filayo in lagu gaaro deegaannada xoolo dhaqatadu ku badan yihiin.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyay dadaalka Wasaaradda iyo dhakhaatiirta xoolaha, isaga oo ku booriyay in ay si xilkasnimo leh u gutaan shaqadooda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in caafimaadka xooluhu uu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha Puntland.

Masuuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa dhankooda sheegay in ololahan uu muhiim u yahay yareynta cudurrada faafa ee xoolaha ku dhaca, taas oo saameyn ku yeelata waxsoosaarka caanaha, hilibka iyo dhaqaalaha guud.

Munaasabadda daahfurka ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe, waxaana ka qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo dhakhaatiir xoolaha. Waxaa lagu muujiyay sida ay Dowladda Puntland uga go’an tahay horumarinta caafimaadka xoolaha iyo ilaalinta dhaqaalaha bulshada.