Puntland oo daahfurtay wajiga 2aad ee biyo dhaanka abaarta.

17 February, 2026

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Maanta daah-furay wajiga labaad ee barnaamijka Biyo qeybinta…

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Maanta daah-furay wajiga labaad ee barnaamijka Biyo qeybinta ee loogu tala galay gobolada Puntland ee Abaartu saamaysay.

Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday deegaanka Birta-dheer ee gobolka Nugaal,ayaa maanta kaliya lagu shaaciyay qeybinta biyo dhan 1,710 Booyadood, iyadoo shaqadu si joogta ah uga socon doonto dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntkand.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay in gargaar la gaarsiiyo dadka iyo duunyada ay abaartu saamaysay.