Puntland oo dacwad ka gudbinaysa sanduuq ay dhaqaale ku ururinayso DFS.

10 November, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa ku gooddisey inay caalamka u gudbin doonto dacwad ka dhan ah sanduuqa dhaqaale…

Xukuumadda Puntland ayaa ku gooddisey inay caalamka u gudbin doonto dacwad ka dhan ah sanduuqa dhaqaale ururinta isbeddelka cimilada Somalia, xilli madax ka socota DFS ay ku sugan yihiin Maraykanka.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifataax Cabdinuur ayaa sheegay in madaxda DFS ay wadaan sanduuq lacag lagu urursanayo iyo dalxiis haseyeeshee aysan waxba ugu qaban shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay inay caalamka iyo dhammaan deeq bixiyayaasha u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah dhaqaalahaasi oo uu sheegay inaan loo maamulin habkii loo bixiyey.

“Waxaan rabnaa inaan mawqif cad ka qaadano nimanka samaystay sanduuqa lacagta loogu ururinayo isbeddelka cimilada haddana dalxiiska iskaga jira, iyadoo dhibkii uu gobolada dalka ka jiro”, Ayuu yiri Wasiirku.