Puntland oo dalab u gudbisey beesha caalamka.

13 May, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa ka dalbatay wakiilada beesha caalamka iyo hay’adaha kaalmada siiya Soomaaliya in laga qaybgeliyo…

Puntland coat

Xukuumadda Puntland ayaa ka dalbatay wakiilada beesha caalamka iyo hay’adaha kaalmada siiya Soomaaliya in laga qaybgeliyo barnaamijka xasilinta oo loogu talagalay gooabaha laga laga xoreeyo kooxaha nabaddiidka.

Puntland ayaa sheegtay in barnaamijkaani uu muhiim u yahay bulshada ku sugan deegaamadii laga xoreeyey kooxda Daacish ee buuraleeyda Cal-miskaad oo katirsan gobolka Bari.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Beesha caalamka, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee daneeya arrimaha nabadda iyo xasilinta Soomaaliya in dawladda Puntland laga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta ee ay hadda ka maqantahay, maadaama ay baahi-weyn ka jirto deegaanada Cal-miskaad ee argagixisada laga horeeyey iyo kuwa qorshaysan ee Calmadow” ayay dalbatay Puntland.