Puntland oo dalbadatay in maxkamad la soo taago PrO. Cabdiwahaab.

1 September, 2025

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka dalbaday dowladda Kenya inay gacanta u soo geliso…

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka dalbaday dowladda Kenya inay gacanta u soo geliso Pro. Cabdiwahaab, oo dhawaan maalaayacni ku tilmaamay dagaalka Puntland kula jirto Daacish.

Wasiir Dirir ayaa sheegay in Cabdiwahaab uu ku hadlay Afkii kooxda nabaddiidka ah ee Daacish, loona baahan yahay in la marsiiyo shuruucda caalamiga ah ee dadka taageera ururada nabaddiidka ah.

โ€œ๐ƒ๐ซ ๐œ๐š๐›๐๐ข ๐ฐ๐š๐ก๐š๐š๐› ๐š๐Ÿ๐ค๐ข๐ข ๐๐ša1๐œ๐ข๐ฌ๐ก ๐›๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ-waxaan odhan lahaa laamaha amaanka ee Kenya in ay waydiiyaan sababta uu daa1cish u taageeray waayo caalamku wuxuu isku raacsanyahay in daa1cish tahay argag1ixiso caalami ah Qof kasta oo taageero siiyana shuruucda dawliga ah ee dalalka kala duwanina si isku mid ah ayey maxkamadaynkaraan.

Ma jiro dunida guudkeeda qof aan daa1cish ahayn oo dhiiga Ciidamada Difaaca Puntland ku jees jeesikartaa, sida aan ka warqabno dhawrjeer bay Dawladda Kenya suโ€™aalo ka waydiisay xagjirnimadiisa, hada denbiga uu galay waa ku cadyahay waa in laamaha amaanka Kenya qabtaan oo maxkamad geeyaan, si mushtamacu uga nabadgalo aragtiyaha argagaxisonimo ee uu aaminsanyahay.

macquul maaha qof xagjir ahi in uu Macalin u noqdo dhalinta mustaqbalka dalka kenya, kuwa buuraha calmiskaad ciidamada Difaaca Puntland ku laayeen ee asal ahaan kenya ka soo jeeda laga yaabee in isagu soo tashkiiliyeyโ€