Puntland ayaa shaacisay in diraacda daba-dheeraatay iyo xaddiga roobka gu’ga oo saadaashu sheegayso inuu aad u…

Puntland ayaa shaacisay in diraacda daba-dheeraatay iyo xaddiga roobka gu’ga oo saadaashu sheegayso inuu aad u yaryahay ay durba saamayn ku yeesheen nolosha dadka iyo duunyada deegaamadeeda.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda maaraynta Masiibooyinka Puntland ayaa loogu yeeray dowladda, Hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu inay ka qayb qaataan gurmadka loo samaynayo dadka ay abaartu saamaysay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in deegaamada qaar ay ka taagan tahay biyo la’aan, baad la’aan iyo xaalad nafaqa darro oo u baahan in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto, maadaama ay xaaladdu ka sii dari karto.

“Tirada dhimashada ee xooluhu waa sii kordhaysaa, Maciishaddu waa sii qaaliyoobaysaa, xaaladda caafimaad iyo nafaqo ee ciyaalka iyo haweenkuna aad ayey usii xumaanaysaa”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka Puntland.
