Puntland oo dalbatay in caasimadda Somalia loo soo wareejiyo Garoowe.

29 September, 2025

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka hadlay kulan lagu taageerayo ciidamada difaaca Puntland…

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka hadlay kulan lagu taageerayo ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka & dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka.

Wasiir Maxamuud Caydiid ayaa ugu horrayn ciidanka difaaca dowladda Puntland ku ammaanay sida ay ugu dhabar adaygeen dagaalka Cal-miskaad, isagoo ugu baaqay shacabka Puntland inay markale u diyaar garoobaan garab istaagga ciidamada.

“Ciidankeennu waxay u dhabar adaygeen dhib walba oo buurta ka jirtey, shacabka waxaa laga rabaa in Awrtii, hilibkii, bustayaashii iyo raashinkii ay todobaadkaan gaaraan buuraha, guusha ay soo hoyiyeen ciidankeenu caalamka oo dhan ayaa qirsan”, Ayuu yiri Dirir.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa ku eedeeyey dowladda federalka ah ee Somalia, dhul boob, dastuur jebin iyo kala fogayn bulsho, isagoo Garoowe ugu yeeray dhammaan maamulada iyo siyaasiyiinta dalka si xal looga gaaro khilaafyada siyaasadeed ee taagan.

“Waxaa loo baahan yahay si Soomaaliya markale u xorowdo in caasimadda Somalia Garoowe u soo wareegto, waxaan leenahay maamulada dalka si Soomaali loo daba qabto war Garoowe kaalaya”, Ayuu yiri Wasiir Caydiid.