Puntland oo deegaamadeeda ka saaraysa boqolaal Itoobiyaan ah.

29 July, 2025

Dowladda Puntland ayaa qorshaynaysa inay mar 2aad bilowdo hawlgallo lagu raafayo soogalootiga Ajaanibta ah ee ku…

Dowladda Puntland ayaa qorshaynaysa inay mar 2aad bilowdo hawlgallo lagu raafayo soogalootiga Ajaanibta ah ee ku qulqulaya gudaha Puntland, sidaan ka xiganay mas’uuliyiin dowladeed.

Go’aankaan ayaa salka ku haya, kaddib markii dhawaanahan Puntland wajahday mawjado Soogalooti ah oo ka imaanaya dhinaca Itoobiya, kuwaasi oo si xawli ah ugu qulqulaya magaalada Boosaaso iyo degaannada ku xeeran.

Tan iyo markii uu bilowday hawlgalka Calmiskaad, warbixino amni oo la helay ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Soogalooti badan oo ka yimid dhinaca Itoobiya oo ku biiray mileeshiyaadka Daacish, tiro badan oo kamid ahna ay ciidanka difaaca Puntlan dileen.

Bilowgii sanadkaan ayaa hawlgallo raaf ah boqolaal Itoobiyaan ah looga saaray Magaalooyinka Garoowe, Qardho, Boosaaso ilaa Badhan iyadoo xilligaasi kacdoonada dadweynuhu sababeen in loogu daato guryihii ay degganaayeen.