Puntland oo deegaanadeeda ka joojisay ajaaniibta sharci la’aanta soo gelaya

25 January, 2025

Dowladda Puntland oo ka duulaysa ka hortagga khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn.

Cabdi faarax Juxaa

Warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa lagu sheegay iyadoo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay soo saartay qodobada hoos ku xusan:-

  1. Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn.
  2. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.
  3. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya.
  4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto.
  5. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego.

Horseed Media