Puntland oo degmo saddex jeer guddoomiye loo doortay 2 sano gudohood.

1 February, 2026

Mas’uuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland ayaa ka qaybgalay munaasabad kooban oo lagu dooranayey…

Mas’uuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland ayaa ka qaybgalay munaasabad kooban oo lagu dooranayey maamulka cusub ee degmada Dangorayo, kadib markii uu xilka iska-casiley duqii hore ee degmadaasi.

Madasha doorashada waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobolka Nugaal, Xildhibaano Xisbiyada Siyaasadda, madax hore, Siyaasiyiin, ganacsato, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland oo horey u muddaysay qabashada Doorashada in ay ku dhacdo 31 January 2026 waxaana ku guulaystey Xildhibaan Cabdulqaadir Mahad Maxamuud.

Guddoomiyaha cusub oo kamid ah xildhibaanadii ku soo baxay doorashadii qof iyo cod ayaa waxa uu noqon doonaa duqii 3aad ee degmada loo doorto ilaa bartamihii 2024, waxaana siweyn u saameeyey mooshino iyo isqabqabsi golaha dhexdiisa ah.