Mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda Puntland ayaa habeenimadii xalay booqday dekedda magaalada Boosaaso oo ay xilligaasi ka…

Mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda Puntland ayaa habeenimadii xalay booqday dekedda magaalada Boosaaso oo ay xilligaasi ka dhoofayeen xoolihii ugu badnaa oo loo qaadayo qaar kamid ah dalalka Carabta.
Labo ka mid ah Maraakiibta waawayn ee xoolaha iyo Shan Doonyood ayaa qaadi doona in kabadan 80,000 oo neef una safari doono wadamada Dowladda Puntland xiriirka Ganacsi la leedahay ee Sacuudi, Camaan iyo Yemen.
Munaasabadda dhoofka Maraakiibta iyo Doonyaha qaadaya coolaha waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha, Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda.
Maxjarada Dowladda Puntland ee ku yaalla Boosaaso waxaa ku jira xoolo aad ubadan oo isugu jira Geel, Lo, iyo Ari siwayna looga shaqeeyey daryeel kooda Caafimaad dhowaana ka dhoofi hadii Alle idmo doono Dekeda Bosaso.
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey shaqooyinka ka socda Dekada ee ay wadaan Madaxda Wasaaradda Dekedaha sidii ay ku dhoofilahaayeen xoolahan, sidoo kale Wasiirku waxa uu Mas’uulyiin iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay in ganacsatada loo fududeeyo cashuurista badeecadaha iyo xoolaha Dekada ka dhoofaya.



