Puntland oo DFS ku eedaysay inay kaalin ku leedahay soo laabashada burcad-badeeda.

3 May, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa ku eedaysay dowladda federalka ah ee Somalia inay qayb ka tahay soo laba…

Xukuumadda Puntland ayaa ku eedaysay dowladda federalka ah ee Somalia inay qayb ka tahay soo laba kaclaynta kooxaha burcad-badeedda iyo ammaan xumida ka taagan qaybo kamid ah xeebaha dalka.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland Bile Maxamuud Qabawsade ayaa sheegay in dowladda Puntland dagaal kula jirtey Daacish iyo Alshabaab haseyeeshee ay DFS falal ammaan xumo ku wado maamulada dalka, taasi oo keentay ammaan xumi gudaha ah.

HOOS KA AKHRISO

Dowladda Puntland waxay dagaal adag kula jirtaa kooxaha argagaxisada caalamiga ah Daacish iyo Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad iyo Calmadoow

Sidoo kale waxay dowladda Puntland la dagaalamaysa falkasta oo burcadbadeednimo ah oo la isku dayo in laga sameeyo deegaanada Puntland, iyadoo la xaqiijinayo sugida amaanka guud ee Puntland

Dowladda Federaalka Soomaliya ee madaxweynaha muddo xileedku ka dhamaanayo Xassan Sheekh iyo kooxdiisa waxay ka shaqeeynayaan in ay xoogeystaan falalka argagaxisada iyo burcadbadeeda, iyagoo ka abuuraya.dowladaha xubnaha ka ah Federaalka qalqal Amni.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u weecisay dhaqalihii caalamka ugu deeqay Soomaliya ee la doonayey in lagula dagaalamo Argagaxisada dhanka duminta dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Soomaliya ee la isku soo kab kabayey muddada dheer, taasoo halis weyn ku ah dowladnimda Soomaliya iyo amaanka guud ee gobolka .