Puntland oo DFS ku eedaysay inay ku hubaysan ciidamo beeleedyo ka soo horjeeda.

12 March, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali Jifo-jabsade, oo habeenimadii xalay ka qaybgalay kulan ka…

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali Jifo-jabsade, oo habeenimadii xalay ka qaybgalay kulan ka dhacay Magaalada Galkacyo ayaa ka hadlay wax-ka-beddelka sharci darrada ah ee lagu sameeyay Dastuurkii Kumeel-gaarka ahaa ee Soomaaliya ee 2012.

Guddoomiyaha ayaa ugu horrayn ka hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nidaamka dastuuriga ah iyo in wixii wax-ka-beddel ah lagu saleeyo wada-tashi qaran oo loo dhan yahay, si loo ilaaliyo midnimada iyo xasiloonida dalka.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha oo sheegay in Puntland isku filantahay ayaa Madaxweynaha Somalia ku eedeeyey inuu ciidamo beeleedyo ku hubeeyey Puntland si loo burburiyo lagana horjoogsadey mashaariicdii horumarinta ee caalamku ku taageeray jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia.

“Anagu waa isku filanahay ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan, MW Xasan wuxuu hor joogsaday dhaqaalihii horumarinta qoondadii Puntland, wuxuu diidey baasaboorada ciidankii ku dhaawacmay dagaalka Cal-miskaad, wuxuu isku deyey inuu burburiyo Puntland iyo maamulo dhisan oo uu ku hubeeyey ciidan beeleedyo”, Ayuu yiri Jifi-jabsade.

‎Kulankan oo lagu qabtay hall-ka Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland Maamulka gobolka, Kan degmada, Saraakiisha booliiska waxgarad, masuuliyiin kale, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay taageeradooda ku aaddan mowqifka Dowladda Puntland.