Puntland oo DFS ku eedaysay inay wadahadal kula jirto Alshabaab.

2 December, 2025

Xukuumadda Puntland oo marar badan ku eedaysay mas’uuliyiin katirsan dowladda federalka ah ee Somalia inay xiriir…

Xukuumadda Puntland oo marar badan ku eedaysay mas’uuliyiin katirsan dowladda federalka ah ee Somalia inay xiriir la leeyihiin Alshabaab ayaa sheegtay inuu gabo-gabo marayo heshiis u dhexeeya labada dhinac.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Puntland ay horay u sheegtay xiriirka labada dhinac oo xilligaan maraya meelihii ugu dambeyey, si Alshabaab loogu wareejiyo awoodda dalka sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Dirir, waxa uu sheegay in Alshabaab ay doonayaan in awoodda maamul ee dalka lagu wareejiyo 60%, halka ay inta dhimmana la doonayaa madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia oo dhankeeda dagaal kula jirta kooxda Alshabaab.

“Alshabaab waxay doonayaan inay 60% ka badan awood qaybsi ahaan u helaan halka Xasan doonayo kaliya 50%, muddadii uu Madaxweyne Xasan Xafiiska joogey Alshabaab dad badan ayey ku darsadeen dowladnimada Soomaaliyeed, wasiiro iyo xubno kale ayaa kamid ah”, Ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Dowlado ay kamid tahay Qadar ayaa horay dedaal ugu bixiyey inay wadahadalo toos ah yeeshaan Alshabaab iyo dowladda Somalia, si loo soo afmeero dagaalada dabada dheeraaday ee ka aloosan qaybo kamid ah dalka, inkasta oo aysan guulaysan dedaalada Doxa.