Puntland oo DFS ku eedaysay inay xiisad ka abuurayso gobolka Mudug.

Xukuumadda Puntland ayaa ku eedaysay Villa Somalia abaabulka qorshayaal colaad horleh looga abuurayo gobolka Mudug, xilli…

14 August, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa ku eedaysay Villa Somalia abaabulka qorshayaal colaad horleh looga abuurayo gobolka Mudug, xilli Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu ku wajahan yahay deegaamada Maamulka Galmudug.

Puntland ayaa sidoo kale ku baaqday in Maamulka Galmudug iyo shacabka Koonfurta Gaalkacyo ay ilaaliyaan nabadda, isla markaana aysan oggolaan in magaalada loo adeegsado arrimo siyaasadeed, waxayna Puntland sheegtay inay gudanayso waajibaadkeeda ilaalinta nabadgelyada iyo midnimada shacabka ka saaran.

“Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa abaabulka qorshaysan uu wado, waxaana ka digaysaa qorshaha safarka uu ku imaanayo Koonfurta Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug, kaas oo uu uga gol leeyahay inuu fidino iyo colaad ka abuuro magaalada Gaalkacyo, oo si nabad iyo xasillooni leh ay ugu wada nool yihiin labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug”ayaa lagu yiri war kaso baxay Puntland