Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Puntland ayaa dib u dhigtay doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada…

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Puntland ayaa dib u dhigtay doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Doorashada duqa oo loo madlanaa Maanta oo Sabti ah ayaa dib loo dhigay si xal looga gaaro malayshiyaad taabacsan mid kamid ah musharixiinta golaha oo qabsaday xaruntii dowladda hoose.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in doorashada dib loo dhigay muddo 24 saac ah si loo xalliyo tabashooyin yaryar oo ay qabaan xubno katirsan musharixiinta golaha deegaanka degmada Galkacyo.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland kadib, markii ay qiimaysay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, gaar ahaan Degmada Gaalkacyo waxay go’aamisay in dib loo dhigo doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo muddo 24 saac, si loo xalliyo tabashooyin yar yar oo jira.”




