Mas’uuliyiin katirsan Puntland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ku soo dhoweyeeyey qaybtii 2aad ee katirsan…

Mas’uuliyiin katirsan Puntland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ku soo dhoweyeeyey qaybtii 2aad ee katirsan dhaawacyadii ciidanka dowladda ee xaaladda caafimaad loogu diray dalka dibaddiisa.
Askartaan oo soo dhammaystay dhammaan adeegyadii caafimaad ee loogu diray dibadda ayaa siweyn u ammaanay sidii ay dowladdu isaga xil saartay xaaladdooda caafimaad iyo sidii loogu hagar baxay muddadii ay ku sugnaayeen dalka Itoobiya.
“Waxaan helnay adeeg dhammaystiran, Allena waa na siiyey caafimaad, waxaanna hadda diyaar u nahay inaan ku laabano furimaha dagaalka Cal-miskaad si aan qayb uga noqono ciidankeena la dagaalamaya cadawga”, Mid kamid ah askarta la soo dhoweeyey ayaa sidaasi yiri.
Dhanka kalena, wasiirka caafimaadka ahna guddoomiyaha guddiga taakulaynta ciidamada Dr Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa tilmaamay inay marwalba u taagan yihiin daryeelka geesiyada u dhaawacma difaaca dalkooda, wuxuuna sheegay in askartaani dhiig cusub ku shubi doonaan hawlgalka Hillaac ee ka socda gobolka Bari.