Xukuumadda Puntland ayaa markale iska-difaacdey eedaymaha la xiriira cilaaqaadka amni, ganacsi iyo horumarineed ee kala dhexeeya…

Xukuumadda Puntland ayaa markale iska-difaacdey eedaymaha la xiriira cilaaqaadka amni, ganacsi iyo horumarineed ee kala dhexeeya dowladda Imaaraadka Carabta, kadib markii ay sanadkii hore xiriirka u jartay dowladda federalka ah ee Somalia.
Wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo ka hadlayey daahfurka hotel casri ah oo dowladda Imaaraadku ka hirgelisey garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad aan dan u hayn Puntland oo duruufo kale dartood ku dhaliila Imaaraadka.
“Kuwa aan danta u hayn Puntland ee nagu dhaliilaya maxaad cilaaqaadka ula leedihiin Imaaraadka Carabta waxaan leenahay danteena ayey noqoto inaan xuluufo la noqono Dubai ee kiniin ahaan u liqa”, Ayuu yiri Wasiir Dirir.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Puntland ka caawisay horumarinta dekedda, garoonka diyaaradaha, korontada Boosaaso iyo dhismaha xarumaha guud ahaan Booliska Puntland, iyadoo ay intaasi dheertahay qalabaynta iyo bixinta mushaharka ciidanka PMPF.



