Puntland oo digniin ka soo saartay dhulgariir ka dhacay xeebaha Bari.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowladda Puntland, Cabdirnaasir Yuusuf Xaaji-Green, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhulgariir…

29 August, 2026

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowladda Puntland, Cabdirnaasir Yuusuf Xaaji-Green, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhulgariir xalay ka dhacay gunta hoose ee badda, kaas oo siweyn looga dareemay deegaannada ku dhow gobollada Raas Caseyr iyo Bari.

Wasiirka ayaa sheegay in xaaladda dhulgariirka iyo saameynta ka dhalan karta ay weli socoto qiimeynteeda, isagoo dadka ku nool deegaannada xeebaha ah ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, inta laga xaqiijinayo xaaladda badda iyo khataraha suuragalka ah.

Cabdirnaasir Yuusuf, ayaa si gaar ah ugu baaqay kalluumaysatada inay si ku-meel-gaar ah uga fogaadaan inay badda u shaqo tagaan, isla markaana doomaha iyo gaadiidka kale ee badda laga soo saaro biyaha oo lagu soo xiro xeebaha, ilaa laga helo xog rasmi ah oo xaqiijinaysa in xaaladda badda ay tahay mid ammaan ah, isagoo sheegay in dhul-gariirku sii badan karo.