Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA) ayaa digniin adag u dirtay dhammaan darawallada iyo dadka isticmaala waddooyinka, kaddib…

Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA) ayaa digniin adag u dirtay dhammaan darawallada iyo dadka isticmaala waddooyinka, kaddib markii roobab ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland ay sababeen biyo xooggan oo ku soo rogmaday togagga Buraan iyo Ceeldaahir, waxana lagu xusay bayaanka in xaaladdaani ay khatar weyn ku tahay isu-socodka gaadiidka iyo badbaadada dadka safarka ku jira.
PHA ayaa si gaar ah uga digtay darawallada inay iska ilaaliyaan isku dayga ay ku gudbayaan ama ku jarayaan togagga ay biyuhu marayaan, maadaama qulqulka biyuhu uu yahay mid xooggan oo aan la saadaalin karin. Sida ay hay’addu tilmaantay, tallaabadaas waxay halis gelin kartaa nafta dadka, gaadiidka iyo hantida kale.
Hay’addu waxay xustay in horey ay u dhaceen shilal kala duwan oo gaadiid ay biyuhu qaadeen, kuwaas oo ka dhashay taxaddar la’aan iyo ku xadgudubka digniinaha la xiriira badbaadada waddooyinka. Arrintan ayaa muujinaysa baahida loo qabo in si buuxda loo raaco tilmaamaha amniga xilliyada roobabka.
Sidoo kale, PHA waxay ugu baaqday darawallada inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu jiro xilliga roobabka, isla markaana ay yareeyaan xawaaraha gaadiidka marka ay marayaan goobaha khatarta ah. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay inay sugaan ilaa biyuhu ka yaraadaan ka hor inta aysan isku dayin inay maraan togagga iyo meelaha daadadku saameeyeen.
Ugu dambayn, Hay’adda Wadooyinka Puntland ayaa sheegtay in darawal kasta oo si ula kac ah u jebiya digniinaha amniga isla markaana khatar geliya naftiisa, rakaabka ama gaadiidka uu wado, laga qaadi karo tallaabooyin sharci iyo maamul.




