Puntland oo digniin u dirtay ciidanka DFS ka qoratay gobolka Mudug.

Taliska qaybta booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa digniin u diray ciidamada sheegay inay ku biireen…

11 July, 2026

Taliska qaybta booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa digniin u diray ciidamada sheegay inay ku biireen dowladda federalka ah ee Somalia iyo cidkasta oo ka qayb qaadanaysa kala fogaynta bulshada gobolkaasi.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bile (Farda-fuul), oo la hadlayey ciidamo ka hawlgeli doona ammaanka gobolka ayaa ugu yeeray ciidanka ay qoratay DFS inay dadkooda dhinac ka raacaan.

“Dadka xaabada ah ee lagu shaqaystay ee muuqaalada laga duubtay oo sharaftooda lagu ciyaaray waxaan leenahay isdaba qabta, Puntland adiga ah dhulkaagii weeye difaaceeda iyo quruxdeeda ayaad leedahay”, Ayuu yiri Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bile (Farda-fuul).

Dhanka kalena, Taliyaha ayaa uga digey Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia inay khalkhalgeliyaan ammaanka Puntland, isagoo sheegay inay qoranayaan malayshiyaad aan la aqoon cidda ay yihiin, sugnaantooda amni ayna kujiraan kuwa fal dambiyeedyo ku eedaysan.