Puntland oo digniin u dirtay guddoomiye Abwaan Cabdirashiid.

1 July, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa digniin kama dambays ah u dirtay shaqsiyaad ay sheegtay inay shacabka ku marin…

Xukuumadda Puntland ayaa digniin kama dambays ah u dirtay shaqsiyaad ay sheegtay inay shacabka ku marin habaabinayaan ciidamo loo qorayo dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay jiraan dhalinyaro ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin reer Puntland ah oo dhaqaale lagu siiyey inay DFS ciidamo uga qoraan deegaamada Puntland.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in DFS oo aan gacanta ku hayn ciidankii qaranka Soomaaliyeed iyo ammaankii dalka ay ka shaqaynayso dhibaato iyo marin habaabin bulsho, isagoo shacabka Puntland usoo bandhigay waxa laga yeelayo shaqsiyaadka hormuudka u ah arrintaasi.

“Waxaan ka digayaa DFS oo aan ognahay inay duruufo badan haysato, in argagixisadii goboladii dhib ku hayso, waxaa nasiib darro ah in wiilal laabtoobyo wata ay leeyihiin Puntland ayaan ciidamo ka qoraynaa waa fool xumo, waxaan ka baqaynaa in dadkaasi ay dadka caqligooda ku ciyaaraan, siyaasiyiinta reer Puntland ee meelaha kala jira haday dood qabaan hayimaadaan, qofka dhehaya xasaanad baan leeyahay oo Puntland kala burburinaya dadka reer Puntland ayaa laga rabaa wixii laga yeeli lahaa”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.